DUNI CIRIFYO BADAN: Ruushka & Shiinaha oo bilaabay qorshe madax xanuun ku noqonaya Maraykanka & Galbeedka

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2022 – Bilowgii todobaadkan Wakaalada Wararka Dhexe ee Kuuriyada Waqooyi ee (KCNA) ayaa sheegtay in Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ay warqado is dhaafsadeen Hoggaamiyaha ugu Sarreeya dalkooda ee Kim Jong Un.

Tillaabadan ayaa lagu beegay sannad-guurada madaxbannaanida Kuuriya ee ku beegnayd Agoosto 15-keeda oo ku muddaysan markii ay Maraykanka iyo Midowga Soofiyeeti ay Kuuriya oo xilligaa hal dal isku ahayd ay ka xoreeyeen addoonsigii Japan ku haysey muddo 35 sanadood ah.

Ha yeshee, Putin oo raadinaya saaxiibo cusub oo ka fog ama lid ku ah Galbeedka ayaa iskaashi cusub u wadacay NK, sida inay xitaa shaqaaleheedu ka qaybgalaan dib u dhiska waxa uu ku sheegay Jamhuuriyadaha Donetsk iyo Lugansk, oo ah gobolka Donbas ee Bariga Ukraine.

Shiinaha oo isna siyaasad ku xumayn ah oo saamayntiisa lagu wiiqayo ka wajahaya Galbeedka ayaa isna la sheegayaa inuu wadadaas oo kale qaadi doono oo uu xiriir furan oo dhinac walba ah la yagleeli doono NK oo ah dal gees la geliyey oo ay Galbeedku si kas u jaliyeen iyo dal kasta oo ay Galbeedku u arkaan mid fongoran oo aanay is fahmaynin sida Iran, Cuba, Venezuela iwm.

Kaliya dhowr sano uun kahor Ruushka, iyo sidoo kale Shiinuhu, waxay ugu yaraan xoogaa diyaar u ahaayeen inay la shaqeeyaan Maraykanka si ay cunaqabateyn ugu soo rogaan DPRK si loo xakameeyo horumarkooda dhanka nukliyeerka iyo gantaalaha baalistigga ah.

Yeelkeede, xaaladdaasi hadda ma jirto. Kaddib bilowgii Dagaalka Ukraine, oo lagu daray dalabka Maraykanka ee ku qotoma in sidoo kale la isku dayo in lagu xakameeyo CUDUDDA soo kacaysa ee Shiinaha, hadda waxay la micno tahay inaan ku jirno jawi caalami ah oo dhowr geesood ah halkaas oo ay quwado badan oo waawayni ku hardamayaan saamaynta guud iyo baarqabkii horboodi lahaa geela adduunka.

Tillaabadan cusub ayaa muujinaysa in Shiinaha iyo Ruushku ay toos dib ugu fureen faylashii Dagaalkii Qaboobaa oo si rasmi ah u bilowday in yar uun kaddib dhammaadkii Dagaalkii 2-aad ee Yurub 1945-kii. Wuxuu guulguulkaasi soconayey muddo 44 sanadood ah min Maarso 12, 1947 – ilaa Diseembar 26, 1991-kii.

Waxay tahay inaan laga ilduufin in Midowga Soofiyeeti uu ahaa dalkii abuuray Kuuriyada Woqooyi si uu u fidiyo nidaamka Shuuciga ah ee Galbeedka la hardamayey xilligaas. Waxaana uu senaariyahan cusubi ka dhigan yahay madax xanuun hor leh oo u bilaaban doona Maraykanka iyo Galbeedka oo loo arko kuwo dab ku ciyaaray marka ay timaado qaabka ay u yaraysanayaan dalalkan.

Labada dal ee Kuuriyada Koonfure iyo tan woqooyi ayaa dagaal ay dunidu ka qaybgashay wuxuu dhexsaday min Juun 25, 1950 – Luulyo 27, 1953-kii, waxaana markii dambe labada dal oo isku dad ah hal dalna isku ahaa lagu kala qaybiyey Dhigta 38-aad oo haatan u ah xad aan rasmi ahayn, maadaama aanay abid dhexmarin xabad joojin rasmi ah loo kala saxiixday.

Waxaa xilligaa Kaddib NK xukumayey Kim Jong Un, awoowgii Kim Il Sung iyo aabihii Kim Jong Il.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media