(Hadalsame) 18 Agoosto 2022 – Waloow aan wax badan laga aqoon misna taangiga Shiine-sameega ah ee Type-96 dad baa ku tilmaami jirey mid dhaama kan Ruushka ah ee T-72.
Yeelkeede, haddii wax lagu saleeyo muuqaal haatan soo baxay balse aan la sheegin goobta iyo sababta use eg layli ama dhoollatus ciidan, waxaa kasoo baxday in taangiga Ruushka ee T-72 uu ugu yaraan aad uga orod badan yahay midka Type-96.
Tan ugu qosolka badani waa marka uu sawirku qabto taangiga Shiinayska ah oo isagoo iska luudaya uu mar qura xuf ku dhaafayo midka Ruushka oo xawaare sare ku xiimaya.
Si kastaba, Shiinaha oo iskaashi dhinacyo badan ah la leh Ruushanka ayaa ciidamo u diraya Ruushka si ay ugu biiraan dhoollatus ciidan oo halkaa ka dhacaya oo loogu magac daray ”Vostok” ama bari.
Waxaa dhoollatuskan ka qaybgelaya dalal kale oo reer Bari ah sida India, Belarus, Mongolia, Tajikistan iyo qaar kale, sida ay shalay shaacisay Wasaaradda Gaashaandhigga Shiinuhu.
Halkan hoose ka DAAWO…




Ðîññèÿ. Ðîñòîâñêàÿ îáëàñòü. Òàíê Ò-72Á3 150-é ìîòîñòðåëêîâîé äèâèçèè Þæíîãî âîåííîãî îêðóãà âî âðåìÿ ôèíàëüíîãî ýòàïà âíåçàïíîé ïðîâåðêè áîåâîé ãîòîâíîñòè âîéñê íà ïîëèãîíå Êàäàìîâñêèé.  õîäå ïðîâåðêè ïðîõîäèò îöåíêà óðîâíÿ îáó÷åííîñòè ëè÷íîãî ñîñòàâà, òåõíè÷åñêîé ãîòîâíîñòè è óêîìïëåêòîâàííîñòè ñîåäèíåíèé è âîèíñêèõ ÷àñòåé âîîðóæåíèåì è âîåííîé òåõíèêîé. Âàëåðèé Ìàòûöèí/ÒÀÑÑ
Hadalsame Media