(Hadalsame) 17 Agoosto 2022 – FBI-da ayaa soo saartay in weerarkii ay ku qaadeen hoyga Trump ay kusoo heleen “sir culus” iyo xitaa dukumentiyo aad u xasaasi ah oo laga helay guriga madaxwaynihii hore ee Maraykanka ee Donald Trump ee Mar-a-Lago, Florida todobaadkan, sida laga soo xigtey waraaqo maxkamadeed oo la sii daayey kaddib markii garsooraha federaalku uu bixiyey amarkii oggolaaday in si lama filaan ah oo aan hore loo arag loo weeraro hoygan.
Qoraal ay maxkamaddu ku shaabadaysan tahay ayaa muujinaysa in wakiillada FBI-du ay ka qaateen guriga 11 diiwaan oo sir ah intii lagu jirey baaritaankii Isniintii.
Diiwaanada la qabtay waxaa ku jira qaar aan calaamadaysanayn oo kaliya sirta culus ahaan laakiin sidoo kale sida “xogo xasaasi ah oo aad u qoto dheer,” oo loogu talagalay in aad loo ilaaliyo haddii si cad loo shaaciyana keeni kara “dhaawac aad u wayn” oo ku dhaca danaha Maraykanka.
Diiwaanka maxkamaddu ma bixin faahfaahin gaar ah oo ku saabsan macluumaadka laga yaabo inay dukumeentiyadan ku jiraan.
Barwada maxkamadda ayaa sheegaysa in wakiillada federaalka ee FBI-du ay baarayeen xadgudubyada suurtagalka ah ee ilaa seddex sharci oo heer federaal ah oo kala duwan, sida haynta aan sharciga ahayn ee sir qaran sida uu qabo Espionage Act.


Hadalsame Media