(Nairobi) 14 Agoosto 2022 – Xilli haatan la xaqiijiyey in la tiriyey in ka badan saddex meelood oo meel natiijadii kasoo baxday doorashada madaxtinnimada ee dalka Kenya, ayay labada musharrax ee ugu waawayn ee ku loollamayaa weli qoorta iskula jiraan.
Madaxwayne Xigeenka, William Ruto, ayaa haatan wax yar hoggaanka ka qabtay Raila Odinga – 51% halka 48%.
Madaxa Guddiga Doorashada ayaa qirtay in ku dhawaaqista natiijada ay iminka aad u daahday oo ay gaabis tahay.
Ku dhawaaqista natiijada doorashada ayaa dhowr jeer la joojiyey kaddib markii ay cabasho ka keeneen taageerayaasha musharrixiinta ugu waawayn ee Ruto vs Raila.
Hadalsame Media