(Qaahira) 07 Agoosto 2022 – Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Qaahira ee dalka Masar iyagoo 25-kii bishii hore ee Luulyo la kulmay MW Masar Cabdulfataax Al Siisii.
Madaxwaynaha Masaarida, Cabdifitaax Siisi ayaa sheegay in shir jaraa’id oo ay wada qabteen dhiggiisa Soomaaliya kaga dhawaaqay inay isku afgarteen Somalia ”in khatari ka imaan karto ficillada halka dhinac ah ee la xiriira biyo-xireenka webiga Niilka Buluugga ee Itoobiya kasoo bilaabma, kaasi oo ay xuddun u ah khilaafka iminka ka dhex taagan Masar-toobiya.
Hadalkaas ayay dadka waxgaradka ihi fahmi karaan ujeedkiisa ugu wayn oo ah in Somalia oo ay teedu dhibayso loo adeegsado in lagu mashquuliyo Amxaarada oo iyaguna durba yeelay sidii ay Masar doonaysey kuna soo qamaamay Somalia.
Waa tillaabo istaraatiji ah oo ay Masar soo celcelinaysey tan iyo jiritaankii Somalia, balse aysan madaxda Soomaalidu cashar ka baran. Beri dhexdeer ah waxaa wada hadlayey Mursigii dhintay iyo siyaasiyiin kale oo fadhiya istuudiyo TV, kaddibna waxaa la yiri waxaa la iloobey mikrafoonka waxaana kasoo baxday ”Itoobiya waxaan ku dalbanaynaa Somalia haddii ay biyeheenna dhaafi waayaan!”
Dad badan ayaa rumaysan in mikrafoon la illaawey aanu jirine uu ujeedka dhami ahaa in warkaasi baxo, waayo sidaas ayuu dan ugu yahay Masar, halka uu halis ku yahay Somalia oo ay Itoobiya mar kasta u arkayso dal iyada loo adeegsan karo oo aan lahayn siyaasad isaga anfacaysa. Kaliya qiyaas waxa haatan taagan, Somalia waxay u doodaysaa biyaha Masar laakiin iyadoo BAAHAN oo OOMAN. Aawaye webiyadii Somalia? Waxay isu rogeen durdurro. Cid ka hadlaysaa ma jirto, laakiin u doodno Masar oo doonaysa inay kaligeed Niilka wada cabto.
Su’aashu waxay tahay, maadaama aan Masar hiillo (solidarity) u muujinnay oo iyada oo ay webiyadeennii qallalan yihiin aan kuweeda qoyan ee qarada wayn u doodnay haatan meeday Masar? Miyaanay ugu yaraan xitaa ka hadlaynin oo warqad uun kasoo saaraynin waxa socda? Miyaanay Itoobiya ku dhihi karin haku xadgudbinnina madax-bannaanida geyi ee Somalia?
Dad baa lasoo booda Masar kan iyo keer ayay noo gashay, Masar wax badan noomaba geli karto, waa run inay macallimiin noosoo diri jirtey, waloow aqoon iyo tiknolojiyad Masar laga dhaxlay oo muuqataa aysan jirin, balse xitaa haddii ay wax kasta na tarto waxay waxtariddaasi dhimanaysaa haddii naloo cayilinayo in nala qasho uun.
Masar ciidan noo dagaallama ma noo soo diraysaa mise noosoo diri kartaa? Masar qalqaalo caalami ah mannoo gelaysaa oo ugu yaraan taageero siyaasadeed manna siinaysaa? Masar halkee jirtey markii ay Itoobiya Somalia soo weeraraysey 2006-dii?
Masar halkee jirtey xilligii burburka iyo bilowgii dagaallada sokeeye? Masar waxay jirtaa meeshii ay jirtey xilligii bilowgii dagaallada sokeeye oo ay Somalia soo xusuusatay ku dhowaad 10 sano kaddib iyadoo hal shir u qabatay deetana iska ilowdey. Waayo muhiimadda qura ee ay Somalia Masar ugu fadhidaa waa inay sidii balaq can-tallaal (bait) ah ugu tuurto Itoobiya, markii ay u baahato.
Xikmadda aan ku koobno labadan sadar.
Annagii: Masareey meeyey GURMADKII?
Masar: Doqon looma GARGAARO!
W; Q: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media