Gaari nooc cusub ah oo ay Hindiya samaysay oo 25,000 oo xabbo lagu iibsadey 1 daqiiqo oo qura & Sababta + Sawirro

0

(New Delhi) 07 Agoosto 2022 – Dufcadda Scorpio-N SUV, oo ah mid ah mid ka mid ah gawaarida ay soo saarto shirkadda baabuurta ugu wayn Hindiya ee Mahindra & Mahindra, ayaa guul deg deg ah ka gaarey suuqa maxalliga ah, iyada oo 25,000 ee ugu horreeyey lagu iibiyey wax ka yar hal daqiiqo kaddib markii iibka la bilaabay, sida ay qortay Carscoops.

Dalabyada online-ka ah ayaa xitaa sababay in mareegaha internet-ka ee Mahindra & Mahindra ay jaam garoobaan muddo 55 ilbiriqsi gudahood ah taasoo la sheegay inay keentay inay dad badan oo rajo ka qabey inay iibsadaan ay u suurageli waydey.

Wadar ahaan, shirkaddu waxay xaqiijisay oo soo gaarey in ka badan 100,000 dalab 30-kii daqiiqo ee ugu horreeyey iibka. Maadaama la dhigayey dibaaji khasab ah oo gaaraya 18,000 oo Rupee ($227), Mahindra waxa uu soo ururtay wadar dhan $22.7 milyan nus saac qura oo iib ah.

Scorpio-N SUV, oo ay shirkadu ku tilmaamto “aabaha wayn ee gawaarida SUV-ka ah,” waa dufcaddii ugu dambaysey ee Mahindra iyadoo leh qaab casri ah iyo tiknoolajiyad sare.

Moodalkan ayaa lagu dhawaaqay bishii Maajo ee la soo dhaafay, iyadoo kii ugu horreeyey si rasmi ah loosoo bandhigay bishii Juun, laakiin lama suuq gaynin wixii ka horreeyey usbuucii hore.

Orodkan ka dhex dhacay iibsadayaasha ayaa waxaa laga yaabaa inay sabab u tahay qiimaha hooseeya ee Mahindra lagu dhejiyay dufcaddan ugu horreeysey ee xayeysiinta ah ee Scorpio-N, kaasoo u dhaxeeya $15,178 ilaa $24,673 oo Doolla, taasoo hadba ku xiran farqiga.

Shirkaddu waxay sheegtay in qiimaha dufcadaha soo socda ay sare u kici doonaan.

 

 

Hadalsame Media