Xeelad qayb wayn ka noqon karta in uu Baarlamanku ansixiyo Golaha Wasiirrada oo la diyaariyey (Waa maxay?)

0

(Muqdisho) 05 Agoosto 2022 – Waxaa 2-dii bishan Agoosto la magacaabay Golaha Wasiirrada DF Somalia, kuwaasoo tiro ahaan ku dhow 80 xubnood marka gebi ahaan la isu wada geeyo.

Golaha Wasiirrada ayaa se haatan u madlan inuu ansixiyo Baarlamanku si ay howlohooda u guda galaan, iyadoo haddii la diidayna ay khasab noqonayso in uu mar kale dib usoo dhiso RW Xamse Cabdi Barre.

Yeelkeede, Golaha Wasiirada oo rasmiyan ka kooban 76 xubnood islamarkaana ay 43 ka mid ah oo boqolleeyda guud aqlabi ka ah (56% wadarta guud) waxaa ay yihiin xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, haba ugu badnaadeen Aqalka Hoose.

Si haddaba ay u maraan Baarlamanak, waxaa la sheegayaa in wasiir kasta loo diray inuu keensado ugu uaraan saddex xildhibaan oo oo codka siiya. 

Haddii la xisaabo 43 x 3 waxaa kasoo xasili doona 129 xildhibaan, taasoo ah tiro bilow fiican ah oo wax laga ambaqaadi karo walow aysan keenaynin in xukuumadda la ansixiyo.

Hadalsame Media