RASMI: Shiinaha oo xiriirka u jaray Maraykanka (Meelaha muhimka ah ee uu go’aanku saamaynayo?)

0

(Beijing) 05 Agoosto 2022 – Shiinaha ayaa go’aansaday inuu jaro xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Maraykanka dhowr meelood oo millateriga iyo rayidka saamaynaya, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ku dhawaaqday Jimcahan.

Arrintan xiriirka la jaray waa hab ay Beijing uga aargudanayso booqashadii todobaadkan ay Taiwan ku tagtay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ee Nancy Pelosi.

Wasaaraddu waxay soo saartay liiska meelaha aysan sii jiri doonin wax xiriir ah oo ka dhexeeyn doona saraakiisha Shiinaha iyo Mareykanka.

Waxaa ka mid ah shirarka shaqo oo u dhexeeya waaxyaha difaaca, ka wada tashiga amniga badda, iskaashiga socdaalka sharci darrada ah, kaalmada garsoorka, dembiyada caalamiga ah, xakamaynta daroogada, iyo isbedelka cimilada.

Sidoo kale waxaa la baabi’iyey xiriirkii dhanka taleefoonka ahaa ee u dhaxeeyay taliyeyaasha sare ee ciidamada labada waddan, sida lagu yiri bayaanka Beijing.

Horraantii  isla Jimcahan, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa ku dhawaaqday cunaqabatayn shakhsiyadeed oo lagu soo rogay Pelosi iyo xubnaha qoyskeeda ee dhow.

Hadalsame Media