(New Jersey) 03 Agoosto 2022 – Donald Trump ayaa lagu eedeeyey in uu xaaskiisii koowaad ee Ivana Trump uu ku aasay dhul ka tirsan naadi xeegada ama golf-ka lagu dheelo oo ugu yaalla New Jersey si uu uga faa’iidaysto cashuur dhaafka dowladda ee xabaalaha.
Professor cilmiga bulshada ka dhigta Dartmouth, Brooke Harrington, oo isku sheegtay inay tahay cilmi-baare canshuureed, ayaa se Twitter-ka ku soo qortay:
‘Waxaan ka shakiyey wararka xanta ah ee sheegaya in Trump uu xaaskiisii hore ugu aasay goobtaas yar ee murugada miiran ah ee dhoobada ah ee ka tirsan garoon xeego oo uu ku leeyahay Bedminster, NJ, si uu canshuurta uga badbaado.’
Dhulka uu Gobolka New Jersey u qoondeeyey in loo isticmaalo qabuuro ahaan laguma darin dhulalka laga doonayo canshuurta dakhliga, hantida iyo iibka, ayay soo qortay.
Ivana kaddib munaasabad duug ahayd oo Manhattan, New York, loogu qabtay 20-kii Luulyo halkan lagu aasay.
Moodaladdii hore ee reer Czech ayaa maydkeeda laga helay gurigeeda 14-kii Luulyo kaddib markii ay ka dhacday jaranjaro. Waxay ahayd 73 sano jir.
Hadalsame Media