Waa kee dalka ugu wasiirro badan marka la isu eego Somalia & dalalka deriska la ah?! (Arrin is waydiin mudan)

0

(Hadalsame) 03 Agoosto 2022 – Waxaa shalay la magacaabay Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda cusub ee RW Xamse Cabdi Barre oo isaga la magacaabay 15-kii Juun.

Golaha Wasiirrada ayaa marka la isku wada daro min Wasiir, Wasiiru Dowle ilaa Wasiir Xigeen waxaa ay tiradoodu kor u dhaafaysaa 70 xubnood.

Haddaba, aynu eego tirada golaha Wasiirrada ee dalalka deriska ah oo aan u eegno Somalia marka la xisaabo Wasiirrada ee xigeyaasha iyo dowle laga saaro.

Somalia waxay leedahay 26, Kenya oo ah dhaqaalaha ugu ballaaran Bariga Afrika waa 23 wasiir, halka Itoobiya oo haatan Somalia ka dhaqaale iyo dad badani ay dhistay 22 wasiir. Jabuuti waa 15.

Somalia waa dalka dhaqaale ahaan ugu liita Bariga Afrika.

Su’aashu waxay tahay sababta Somalia oo ku dhowaad aanay dowlad wax ku ool ihi ka jirin ay jagadu uga muhiimsan tahay waxqabadka?

Hadalsame Media