“Dab caadi ah ayay nagu xireen!” – MW Ukraine oo qiray inaysan u babac dhigi karin Ruushka (Dagaal ay Ukraine ku jabtay oo shalay dhacay)

0

(Kyiv) 03 Agoosto 2022 – Madaxwaynaha Ukraine, Vladimir Zelensky, ayaa Talaadadii sheegay in dagaalkii shalay Donbass ka dhacay uu ahaa “naar”, isagoo ku andacoonaya in Ciidamada Kiev ay weli yihiin kuwo si aad ah looga hub batay oo xitaa ay aad uga tiro badan yihiin Ruushku, wuxuuna ka codsaday Maraykanka iyo xulafadiisa hub dheeraad ah sida gantaalaha HIMARS.

Khudbad shan daqiiqo ah oo uu u jeediyey dadka reer Ukraine, Zelensky wuxuu u mahadceliyey Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden iyo NATO oo hubka ay soo direen sida gantaalaha, uu ku tilmaamay “mid aad waxtar u leh” isaga oo wacad ku maray inuu “khasaaro xanuun badan” u gaysan doono Ruushka, oo uu ku tilmaamay inay yihiin “raxan” soo duushey.

“Erayga ‘HIMARS’ wuxuu noqday mid la mid ah ereyga ‘cadaalad’ dhanka waddankeena,” ayuu yiri Zelensky.

Maraykanka ayaa 16 ka mid ah Hababka Gantaallada Badan Tuura u diray dalka Ukraine. Ilaa hadda, Ruushka ayaa sheegay inuu burburiyey afar ka mid ah, inkastoo Ukraine iyo Pentagon-ku ay beeniyeen.

Zelensky waxa uu intaa ku daray in uu hub badan ka filayo reer Galbeedka waxa uuna u mahadceliyay diblamaasiyiinta Ukraine oo isku deyaya in ay soo diyaariyaan shixnado dheeri ah.

“Misna weli ma awoodno inaan jebinno gacan sarraynta Ciidamada Ruushka ee madaafiicda iyo cududooda guud, taana aad ayaa looga dareemay dagaalka, gaar ahaan Donbass. Peski, Avdeevka, iyo jihooyin kale… Waa cadaab halkaas waxa ka socda. Xataa laguma tilmaami karo erayo ku filan,” ayuu ku daray Madaxwaynaha Ukraine.

Weriyaha reer Ukraine ee dagaalka ee Yuriy Butudov, ayaa wixii shalay Donbass gaar ahaan Peski ka dhacay ku tibaaxay hilib shiid, isagoo sheegay inay “tuuladaas Ruushku ku rideen 6,500 oo madfac iyo gantaal wax ka yar 24 saacadood.”

Hadalsame Media