(Beijing) 01 Agoosto 2022 – Diyaaradda sidda Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka, Nancy Pelosi, ayaa laga yaabaa inay isku daydo inay ku degto Taiwan inkasta oo jasiiradda iskeed isu maamushaa aanay ka mid ahayn meelaha sida rasmiga ah loogu dhawaaqay inay safarkeeda Aasiya ku tegeyso, sida uu ka digay wargayska Dowladda Shiinuhu leedahay ee Global Times.
“Weli waa suurtogal in Pelosi ay doonayso inay qaaddo tillaabo khatar ah iyadoo isku dayaysa inay kusoo degto garoonka diyaaradaha Taiwan iyadoo samaynaysa cudurdaar deg deg ah sida cillad diyaaradeed ama shidaal go’ay,” ayay qortay majaladdan Ingiriisiga kusoo baxda, iyadoo soo xiganaysa falanqeeyayaasha Shiinaha.
Khatarta noocan oo kale ah awgeed, “roondada millateriga Shiinaha, raadaarrada wax raadiya iyo diyaaradaha dagaalku waa in ay heegan sare kusii jiraan maalmaha soo socda,” ayuu wargaysku raaciyey.
Si kastaba ha ahaatee, Global Times ayaa tilmaamay in haddii Pelosi “runtii ay qabsadaan dhibaatooyin deg deg ah…Diyaaradaha Ciidanka Xoraynta Dadka (PLA) ay ilaalin karaan diyaaraddeeda oo ay u ogolaan karaan inay ku degto garoomada diyaaradaha ee magaalada Sansha ee Shiinaha, Gobolka Hainan ee Koonfurta Shiinaha, ama garoomo diyaaradeed oo kale oo ku yaal dhulwaynaha Shiinaha, kuwaas oo bixin kara adeegyo xirfadaysan iyo kaalmooyin kale.”
Laakiin tani waxay dhici doontaa oo keliya “ilaa inta diyaaradda Afhayeenku ay ka fogaato gasiiradda Taiwan ee Shiinaha.” ayay raaciyeen.
Hadalsame Media