Safaaradda Norway ee Ruushka oo ceeb diblomaasiyadeed dhex taagan (Jawaab ka timid UD)

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2022 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Norway ayaa muujisay sida ay uga xun tahay dhacdo la xiriirta qunsulkeeda magaalada Murmansk ee woqooyiga Ruushka, taasoo la maqlay diblamaasigaasi oo weerar afka ah ku qaadaya shaqaalaha hoteelka.

Oslo waxay sharraxday in erayada Elisabeth Ellingsen – ay ku muujisay “nacaybka” Ruushku aysan ka tarjumaynin dabeecadda waddanku u leeyahay dadka deriska la ah, sida ku dhigan bayaan ay u dirtay RT.

Fiidiyow ay daabacday Mash, ayaa muujinaya Ellingsen oo si xun ula dhaqmaysa shaqaalaha hoteel Ruush ah oo ay aflagaadeynayso. “Waan necbahay Ruushka,” ayay Ellingsen ku tiri af Ingiriisi.

“Waad ogtahay, waxaan u bartay inaan [joogo] qolal nadiif ah. Waayo waxaan ka imid Scandinavia, ma aha sida naag Ruush ah. “

Dhacdadan ayaa ka dhacday hoteel ay maamusho Azimut oo ah silsilad Ruush ah oo ka howlgasha hoteello ku yaalla Jarmanka, Austraua iyo Israa’iil, marka lagu daro Ruushka.

Horaantii Sabtidii, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa ku dhalleeceysay diblomaasiga Norway hadalkeeda “nacaybka ah”, iyadoo sheegtay in Moscow ay hadda “ka fiirsaneyso ikhtiyaarro ku aaddan sida looga jawaabo falkan foosha xun ee nacaybka, cunsuriyadda iyo nacaybka ah.”

Hadalsame Media