Raxan maraakiib dagaal ah oo Maraykan ah oo usoo ruqaansaday dhanka jasiiradda Taiwan

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2022 – Koox maraakiib dagaal oo Maraykan ah, oo uu hoggaan u yahay markabka diyaarad xambaarka ah ee USS Ronald Reagan, ayaa laga yaabaa in ay ku soo wajahan yihiin biyaha Taiwan, sida uu sheegayo Mac’hadka la Socodka Istaraatijiga ah ee Shiinaha ee South China Strategic Situation Probing Initiative (SCSPI).

Tani waxay kusoo beegantay intii lagu guda jirey socdaalkii ay Aasiya ku tagtay Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ee Nancy Pelosi, taasoo safarkeedii ugu horreeyey ku tagtay Singapore subaxnimadii hore ee saaka.

Warbaahinta dalkaasi Shiinaha ayaa goor sii horreeysey sheegtay in Pelosi ay booqasho aan la shaacin ku tegi karto jasiiradda Taiwan oo ay iyadu is maamusha, taasoo qayb ka ah socdaalkeeda.

Sida laga soo xigtey SCSPI, maraakiibtan ayaa ka kooban USS Ronald Reagan, laba markab oo kale oo badda ah iyo dayuurad qaadaha kale ee Air Wing Five, kaasoo sida diyaaradaha F/A-18, helikobterro iyo diyaaradaha basaaska, ayaa la sheegay inay hadda ku sugan yihiin meel 800 km u jirta xeebaha koonfurta Taiwan.

Shiinaha ayaa qorshaha lagu eedeeyey ku tilmaamay mid aad u kicinaya waxayna ugu hanjabeen Maraykanka “cawaaqib aan la xamili karin” haddii ay Pelosi go’aansato inay booqato jasiiradda.

Waxay soo dhaafeen Luzon, jasiiradda ugu wayn Filibiin waxayna usii dhaqaaqeen woqooyiga ku beegan jihada Taiwan, sida ay sheegayaan kooxda kormeerayaasha ah ee SCSPI.

Hadalsame Media