(Washington, DC) 02 Agoosto 2022 – Maamulka Madaxwayne Joe Biden ayaa ka digaya in Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu kiciyo xiisad juquraafi ahaaneed oo ka dhalata Taiwan, isagoo u maraya “daandaansi millateri”, taasoo sare u qaadaysa halista xiisad aan la qorshayn oo dhex marta Beijing iyo Washington oo ku saabsan booqashada Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ee Nancy Pelosi haddii ay booqato Taiwan.
“Shiinuhu wuxuu u muuqdaa inuu isu diyaarinayo inuu qaado tillaabooyin dheeri ah maalmaha soo socda,” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Maraykanka John Kirby oo la hadlay suxufiyiinta.
“Tallaabooyinkan suurtagalka ah ee ka iman kara Shiinaha waxaa ka mid noqon kara daandaansi milliteri, sida gantaalaha lagu rido Marin-biyoodka Taiwan ama agagaarka Taiwan, hawlgallo jebiya xeerarka taariikhiga ah sida gelitaan ballaaran oo hawada aagga aqoonsiga difaaca Taiwan ka dhacda…. Dhaqdhaqaaqyo hawada ama badda ah oo ka gudba khadka iyo dhoollatusyada millateri oo si wayn loo buunbuunin karo.”
“These potential steps from China could include military provocations, such as firing missiles in the Taiwan Strait or around Taiwan, operations that break historical norms such as large-scale air entry into Taiwan’s air defense identification zone . . . air or naval activities that cross the median line and military exercises that could be highly publicized.”
Kirby ayaa faalladan jeediyey kaddib markii Reuters, CNN, iyo warbaahinno kale ay soo wariyeen in Pelosi ay booqan doonto Taiwan, taas oo ka soo horjeedda digniinta Shiinaha oo ku gooddiyey jawaab millateri oo suurtagal ah.
Dimoqraadiyaddan California ka socota ayaa lagu soo warramayaa in lagu wado inay timaado Taipei Talaadada berri ah, taas oo qayb ka ah safarro ah ay shan dal ku kala bixinayso oo ay ku marayso Asia-Pacific kaas oo bilaabmay usbuuca dhamaadkiisa.
Hadalsame Media