DEG DEG: Ayman Al-Zawahiri, hoggaankii Al Qaacida oo la sheegay in la diley

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2022 – Maraykanka ayaa duqayn diyaaradeed ku diley hoggaamiyihii Al Qaacida ee Ayman Al-Zawahiri, sida laga soo xigtey ilo xog ogaal ah, sida uu CNN sheegay.

Zawahiri, oo hadda 71 sano jir ahaa, ayaa ahaa astaanta caalamiga ah ee kooxda Qaacida, 11 sano kaddib markii Maraykanku dileen Osama Bin Laden. Mar, wuxuu ahaa dhakhtarkii gaarka ahaa ee bin Laden laftiisa.

The US government has not yet confirmed his death. President Joe Biden will speak at 7:30 p.m. ET on “a successful counterterrorism operation” against al-Qaeda in Afghanistan, the White House said Monday.

Dowladda Maraykanka weli ma aysan xaqiijin dhimashadiisa.

Madaxwayne Joe Biden ayaa waxa uu dunida hadli doonaa 7:30 p.m. ET si uu u sharroxo “hawlgal ka dhan ah argagixisada oo guul ku dhammaaday” kaas oo ka dhan ahaa al-Qaacidada Afgaanistaan, sida Aqalka Cadi uu goor dhow sheegay.

Weerarkan ayaa la sheegayaa in loo adeegsadey dayuurad daroon ah.

Hadalsame Media