Dal Muslim ah oo si aan gambad lahayn u sheegay inuu awood u leeyahay samaynta hubka NUKLIYEERKA

0

(Hadalsame) 01 Agoosto 2022 – Dowladda Iran ayaa sheegtay inay leedahay khibradda farsamo ee loo baahan yahay si ay u soo saarto hubka nukliyeerka laakiin aanay samayn doonin sidaas, madaxa Wakaaladda Tamarta Atoomikada ee dalkaas, Mohammad Eslami, ayaa sidaa sheegay.

Hadalka ayaa ku celinaya mid uu kaaliyaha sare ee hogaamiyaha ugu sarreeya Iran horay ugu sheegay suxufiyiinta bishii hore.

Iran “waxay leedahay awood farsamo oo ay ku dhisto bamka nukliyeerka ee atoomigga ah, laakiin barnaamijka noocaas ah uguma jiro ajendaha,” ayuu Eslami yiri mar uu waraysi siiyey Fars News Isniintan.

Warkan ayaa xaqiijiyey hadal bishii Luulyo uu jeediyey Kamaal Kharrazi, oo ah La-taliyaha Ayatollah Ali Khamenei, kaasoo u tilmaamay Aljazeera in Tehran ay “si sahlan” u soo saari karto uranium-ka heerka sare ah ee hubka iyo walxaha kale ee nukliyeerka laga sanceeyo, haddii ay mar uun doorato inay sidaas sameyso.

Wasiirka Difaaca Israa’iil, Benny Gantz, ayaa ka jawaabay hadalka Kharrazi isagoo soo jeediyey in dalkiisu uu qaadi karo weerar ka dhan ah dalka ay ugu neceb yihiin gobolka.

Hadalsame Media