“Dabka aad ku ciyaaraysaan idinkaa ku guban doona!” – Shiinaha oo ciidankiisa faray inay “aasaan cadowga”

0

(Beijing) 01 Agoosto 2022 – Taliska Bari ee Shiinaha ayaa digniin adag u diray “cadowga” dalkaasi xilli ay weli taagan tahay xiisad ka dhalatay booqashada Afhayeenka Aqalka Wakiillada Congress-ka Maraykanka ee Nancy Pelosi ay ku tagi karto Taiwan.

Saraakiisha taliska ayaa goor dhow soo saaray muuqaal, iyadoo Shiinuhu uu xusayo sannad-guuradii Ciidanka Xoraynta Dadka (PLA).

Fiidiyowga, oo muujinaya muuqaallo dhoollatusyo kala duwan ah iyo cutubyo millateri, kaasoo ku boorrinaya askarta inay “u istaagaan qaab dagaal” una diyaar garoobaan inay “aasaan cadawga soo duuley.”

Hanjabaaddan waxaa sii xoojiyey Yi Cao, oo ah diblomaasi Shiinees ah oo dagaalka jecel, kaasoo farriinta soo dhigay Twitter-ka

Diblamaasigu waxa kale oo uu ku celiyey digniintii ay Beijing todobaadkii hore ka bixisay booqasha la hadal hayo inay Pelosi ku tegeyso Taiwan.

“Beijing waxay mar kale uga digtey Maraykanka inuusan u dirin Afhayeenka Pelosi gasiiradda Taiwan: Ku ciyaarista dabku waxay hubaashii idin qabadsiin doontaa dab!” Ayuu diblamaasigu ku xarriiqay bartiisa Twitter-ka  qoraal uu dhigay.

 

Hadalsame Media