(Muqdisho) 01 Agoosto 2022 – Madaxweynaha DF Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababbar u soo xirey Dufcaddii 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen, kuwaaso ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliyeed ee TurkSom.
Yeelkeede, MW Xasan sheekh ayaa sameeyey arrin ay dad badani su’aalo ka dhaliyeen halka qaar kale ay ku sheegeen wax aan sidaa u waynayn oo uu qayb ka ah tafaasiisha ammaan oo uu qofba sida uu doono u agaasimayo.
Sawirrada ayaa waxay qabteen MW Xasan oo ay dhinac socdaan ilaalo garwaaxsan qoryaha darandoorriga ah u dhaca si ka duwan marka ay madaxda kale tegayaan xeradan iyo meelo kale oo ay la socdaan ilaalo uu hubkoodu qarsan yahay ama aan wadanin wax ka badan bastoolado.
Qaar badan oo ka tirsan dadka baraha bulshada adeegsada ayaa soo bandhigay sawirro muujinaya MW hore ee Farmaajo oo sidoo kale xeradan muujinaya, balse aysan la socon ilaalo hub muujinaysa.
Lama oga waxa u sabab ahaa kalsooni darradan ammaan, balse dadka qaar ay ku micneeyey in MW Xasan uusan weli aaminsanayn ciidamadan, isagoo hadda kahor mar sheegay in Somalia aysan u baahnayn dowlad iyo ciidan xooggan, in kastoo ay jiraan dalal Somalia ku hareereeysan oo ay dhibaato istaraatiji ihi kala dhexeeyso Somalia.
Hadalsame Media