(Beijing) 31 Luulyo 2022 – Ciidamada Cirka ee Shiinaha ayaa ku gooddiyey inay diyaarado dagaal ku hareerayn doonaan gasiiradda Taiwan haddii loo baahdo “si ay u ilaaliyaan madaxbanaannida qaran iyo sharafta dhuleed ee Shiinaha,” sida uu sheegay afhayeen u hadlay goor dhowayd.
Afhayeenka Aqalka Congress-ka Maraykanka, Nancy Pelosi, ayaa ku wajahan gobolka, balse wali ma cadda in ay kusii socon doonto booqasho muran badan dhalisay oo ay ku tegi lahayd Taiwan, taasoo Beijing ay si adag uga horjeeddo.
Isaga oo ka hadlayey bandhig-cireed millateri Axadii, Afhayeenka Ciidamada Cirka, Shen Jinke, ayaa sheegay in Shiinuhu uu leeyahay noocyo badan oo diyaarado ah oo awood u leh inay hareereeyaan “jasiiraddan qaaliga ah ee dalkeenna hooyo”, sida uu u dhigay.
Ciidamada Cirka ee Shiinugu “waxay leeyihiin rabitaan adag, kalsooni buuxda, iyo karti ku filan oo ay ku difaacaan madax-bannaanida qaran iyo sharafta dhuleed,” ayuu raaciyey Shen, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters oo soo xiganaysa warbaahinta Dowladda Shiinaha.
Shen’s statement came as US House Speaker Nancy Pelosi departed for Asia, announcing on Sunday that she would stop in Singapore, Malaysia, South Korea, and Japan for “high-level meetings.”
Hadalka Shen ayaa yimid iyadoo Afhayeenka Aqalka Wakiillada Congress-ka Maraykanka ee Nancy Pelosi ay u ambabaxday Aasiya, iyadoo ku dhawaaqday Axadda maanta ah inay ku hakan doonto Singapore, Malaysia, South Korea, iyo Japan si ay ugu yeelato “shirar heer sare ah”, iyadoo aan xusin Taiwan.
Pelosi ayaa waxay qorshaynaysey inay booqato Taiwan inta lagu jiro safarkan, laakiin waxay ka gaabsatay inay xaqiijiso ama beeniso inay qorshahan kusii socon doonto iyo in kale.
Hadalsame Media