“Waxaan diyaar ula nahay nooc kasta oo taageero ah!” – Turkiga oo mar qura wanaag u wadacay dal ay dagaal kula jireen

0

(Hadalsame) 30 Luulyo 2022 – Diblomaasiga ugu sarreeya Turkiga ayaa ballanqaaday inay ka caawin doonaan Dowladda Suuriya dadaallada lagu doonayo in meesha looga saaro dagaalyahannada Kurdiyiinta ee fadhigoodu yahay waqooyi bari dalkaasi, kuwas oo Ankara ay u aragto “argagixiso”.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, oo Arbacadii la hadlayay TV100 oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay in uu ka garab shaqeeyo Dimishiq si looga hortago mintidiinta Kurdiyiinta ee ka hoos dagaallama Fallaagada Suuriya ee uu Maraykanku taageero ee SDF, sida uu yiri.

“Waxaan siin doonaa dhammaan nooc kasta oo taageero siyaasadeed ah taliska [Suuriya] wixii arrintan la xiriira. Waa xuquuqda ugu dabiicisan in nidaamku uu dhulkiisa uga sifeeyo ururrada argagixisada ah.” ayuu yiri Wasiirku.

Cavusoglu oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Turkigu uu sidoo kale arrintan kala xiriirey Iran, maadaama Jamhuuriyadda Islaamiga ihi ay muddo dheer u dagaalamaysey si ay u taageerto Nidaamka Suuriya inta uu socdey dagaalka sokeeye ee Suuriya oo sanadkii 11aad galay.

Si kastaba, Dowladda Suuriya oo badanaa daysata kooxaha Kurdiga ah balse la dagaallanta Carabta iyo qoowmiyaadka kale ee Sunniga ah iyo ururrada xag-jirka ah ee xiriirka la leh Al Qaacida iyo Daacish, ayaan weli ka jawaabin taageerada ay u fidisay Ankara.

Ha yeeshee, waxay horay si cad uga soo horjeesatay tillaabo kasta oo millateri oo Turkigu kaligii ku qaado dhulkeeda, kaddib markii uu bishii Juun Turkigu sheegay inuu gudaha Suuriya ka samaynayo dhul caaggan oo 30 km ah.

Ciidamada Turkiga iyo kuwa Nidaamka Suuriya ee Bashaar al Asad ayaa dhowr mar horay si xun ugu dagaallamay gudaha dalkaasi.

Hadalsame Media