Shiinaha oo sawir ku muujiyey khalad uu Maraykanku ka galay dalka Somalia

0

(Beijing) 30 Luulyo 2022 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Shacbawiga ah ee Shiinaha ayaa si ka jebin ah usoo bandhigtay khaladaad uu Maraykanku ka gaystey dunida Islaamka.

Zhao Lijian, Afhayeenka Rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa barta Twitter soo dhigay sawir muujinaya dayuuradda gaysata duqaymaha istaraatijiga ah islamarkaana raadaarka ka dhuumata ee Northrop B-2 Spirit.

Sida sawirka uu Lijian wadaagey ka muuqata waxaa dayuuraddan culus ee B-2 lagu duqaynayaa dalal wada Muslim ah oo ay Somalia ku jirto.

”Taariikhdu had iyo goor waa isku mid.” ayuu ku dul qoray Zhao Lijian, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Si kastaba, Shiinaha laftiisa ayaan u roonayn Muslimka isagoo tacaddi dhaqan iyo caqiiddo masixid ah ku haya dadka ku dhaqan East Turkistan oo ah dal uu xoog ku qabsaday kaddibna uu dalkiisa ku darsatay kaddibna uu u bixiyey Xinjiang.

Hadalsame Media