(Moscow) 30 Luulyo 2022 – Moscow waxay doonaysaa in loosoo daayo Vadim Krasikov, oo ah muwaadin Ruush ah oo sanadkii hore lagu helay dil uu Jarmanka ka gaystey, iyagoo doonaya in lagu daro qorshe ay suurtagal tahay in maxaabiis ay isku dhaafsadaan iyaga iyo Maraykanku, sida ay CNN faafisay iyada oo soo xiganaysa dad badan oo arrintan la socda.
Kanaalkan Maraykanka ah ayaa horay u sheegay in Washington ay doonayso in Ruushka u celiso Viktor Bout, kaas oo lagu helay ka ganacsi iyo tahriibin hub gudaha Maraykanka toban sano kahor.
Maraykanka ayaa taa bidaalkeeda doonaya in Ruushku usoo daayo Paul Whelan oo horay uga tirsanaan jirey Marines-ka Maraykanka iyo ciyaaryahannadda kubbadda koleyga Brittney Griner, oo hadda loogu hayo Ruushka dembi basaasnimo iyo eedeymo daroogo ah, sida ay u kala horreeyaan.
Vadim Krasikov, oo 55 jir ah asasiin ah, islamarkaana magaca uu ku dhuumanayey ee alias-ka loo yaqaan uu ahaa Vadim Sokolov isagoo sitey baasaboor Faransiis ah oo bug ah, ayaa lagu eedeeyay inuu khaarajiyey 40-jir Zelimkhan Khangoshvili oo magangelyo ka helay Jarmanka kaasoo uu ku dhex khaarajiyey beerta Kleiner Tiergarten ee Berlin 23-kii Agoosto 2019-kii.
Maalmo kahor dilka Agoosto 2019, wuxuu Krasikov iska dhigay dalxiis, isagoo booqasho ku tegey magaalada Paris meelo ay ku jiraan Tower Eiffel kahor inta uusan u safrin Warsaw isagoo ka baxay hoteelkii uu deganaa tiiyoo uusan u sheegin howlwadeenkii hoteelka 22-kii Agoosto maalin uun kahor khaarajinta Zelimkhan, sida lagu sheegay warbixin uu xarriiqay toddobaadlaha lagu magacaabo Der Spiegel.
Krasikov ayaa ay maxkamad Jarman ihi deeto xukuntay bishii Diseembar ee sanadkii tegey kaddib markii lagu helay eedda khaarajinta Zelimkhan Khangoshvili – taliyihii hore ee Chechnya kaasoo la dagaalamay Moscow, iyadoo lagu xukumay xabsi daa’in.
Maxkamadda ayaa xukuntay in Krasikov uu ku howlgelayey rabitaanka Dowladda Ruushka, laakiin Kremlin-ka ayaa diidey in uu ku lug leeyahay khaarajintan qorshaysan.
Sida laga soo xigtey CNN, Moscow waxay codsigan Krasikov samaysay bishii hore iyada oo xogta marinaysa waxa loo yaqaan “hilinno daaha gadaashiisa ah” oo ay isticmaasho hay’adda amniga gudaha ee dalka ama Sirdoonka FSB.
Ilaha ayaa u sheegay CNN in codsigan loo arkay “mid dhibaato miiran ah” sababtoo ah Krasikov wuxuu dembiga ku galay gudaha Jarmanka wuxuuna ku jiraa xabsiga Jarmanka, mana jirto marmarsiinyo sharci ah oo ay Washington dalkaa u waydiin karto in loosii daayo maxaabiis iyada uu ka haysto dal 3-aad.

Hadalsame Media