(Hadalsame) 30 Luulyo 2022 – Shirkadda gaaska wayn ee Ruushka ee Gazprom ayaa Sabtigii sheegtay inay joojisey saadkii gaaska ee Latvia sababo la xiriira “ku xadgudub dhan shuruudaha qandaraaska gaaska.”
Toddobaadkan, Aigars Kalvitis, oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Gaaska Latvijas Gaze, ayaa warbaahinta u sheegay in waddankiisu uu sii waday iibsashada gaaska dabiiciga ah ee Ruushka xitaa kaddib markii uu diiday inuu u hoggaansamo dalabka lacag-bixinta Ruble-ka ay dalbatay Moscow.
“Latvijas Gaze hadda waxay iibsanaysaa gaaska, laakiin gaaska kama iibsanno Gazprom sababtoo ah ma bixin karno Gazprom. Waxaan leenahay gaas bixiye kale,” ayuu yiri. Kalvitis waxa uu intaa ku daray in Latvijas Gaze ay gaaska ku bixinaysey lacagta Yuurada.
Horraantii bishan, Baarlamaanka Latvia ayaa mamnuucay soo degsiga gaaska dabiiciga ah ee Ruushka laga bilaabo Janaayo 1, sanadka soo socda ee 2023-ka.
Warkan ayaa sidoo kale ku soo beegmaya xilli uu Midowga Yurub raadinayo habab uu uga takhaluso gaaska Ruushka si uu uga dabaaqo dagaalka ay Moscow ka waddo Ukraine, kaasoo bilowday dabayaaqadii bishii Febraayo.
Hadalsame Media