Midowga Yurub oo markale u tashtay Ruushka oo maqlaya & waxa ay la maaggan yihiin

0

Midowga Yurub ayaa iska jari doona gaaska dabiiciga ah ee uu bixiyo Ruushku sanadaha soo socda, sida uu sheegay diblamaasiga ugu sarreeya ururka.

Isagoo la hadlayey Telefishinka Espanola, Josep Borrell, oo ah Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibedda iyo Siyaasadda Amniga, ayaa sheegay in Midowga Yurub ay arkeen natiijada aad ugu tiirsanaanta gaaska Ruushka.

“Marka hore waxa uu qorshuhu noqon doonaa dhuxul-dhagax, kaddibna … saliid … laakiin waxay qaadan doontaa wakhti dheeraad ah si [meesha lagaga saaro gaaska Ruushka], sababtoo ah waa inaan la qabsannaa, mar qura tirada kama dhigi karno min 40% ilaa 0% hal habeen,” ayuu yiri. “Ruushkuna wuu og yahay inaan joojin doonno iibsashada gaaskiisa.”

Diblomaasigan ka tirsan Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay in Midowga Yurub uu horey u sameeyey dadaallo lagu dhimayo Gaaska Ruushka.

“Waxaan mar hore bilownay tashiilka gaaska Ruushka,” ayuu xusay. “Yareeynta celceliska gaaska guryaha lagu kululeeyo ee Yurub halkii darajo waxay u dhigantaa ka maarmidda 6% gaaska Ruushka.” Ayuu yiri.

Sida laga soo xigtey Borrell, kahor intaanay colaadda Ukraine qarxin, Yurub waxay Ruushka kasoo degsan jirtey 40% gaaska dabiiciga ah ee Ruushka, laakiin tiradaasi hadda waxay hoos ugu dhacday 20% oo qura.

Hadalsame Media