(Hadalsame) 30 Luulyo 2022 – Wasiirka Maaliyadda Xil-gaarsiinta ah ee Dr Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay inay heleen kab miisaaniyadeed.
Lacagtan oo uu bixiyey Bankiga Adduunka oo $100 milyan oo Doollar ayaa ah kaalmo miisaaniyadeed oo loo kaashanayo howlaha DF.
Wasiirka ayaa bixinta lacagtan ku micneeyey in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay buuxisey dhammaan shuruudaha dib-u-habaynta dhaqaalaha ee lagu heshiiyey.
“Aad baan ugu faanayaa inaan saxiixo heshiiskan cusub maanta, run ahaantiina waxa ay gacan ka gaysan doontaa maalgelinta meelaha aanu mudnaanteenna siinayno mustaqbalka.” Ayuu yiri.
Hadalsame Media