Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka ka socda “xadka” (Khasaare kala duwan)

0

(Hadalsame) 29 Luulyo 2022 – Wararka ka imanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in duqaymo xooggan ayay Dawladda Federaalka Itoobiya ku qaaday saldhigyo ciidan oo ay lahaayeen Kooxda Al Shabaab.

Warar ayaa intaa ku daraya in Shabaabku ay markii hore 3 meelood ku weerareen Itoobiyaanka iyo Ciidanka Liyu Police, gaar ahaan Yeed, Aato IWM oo ay madaafiicda goobta ku garaaceen.

Ha yeeshee, weerarkan dambe ayay warar kala gedisan oo soo baxayaa sheegayaan in qaar ka mid ah saraakiil sare oo kooxda Shabaab lagu diley, kaddib markii weerar rogaal celis ah lagusoo qaaday.

Dhinaca DF Itoobiya iyo kuwa Liyu ee Gobolka Soomaali Galbeed weli war rasmi ihi kama soo bixin, waloow sida muuqata ay ka gudbeen xaduud haatan jirta.

Shabaabka ayaa la sheegayaa inay hollinayaan inay jid u furaan ciidankii horay u galay gudaha Gobolka Soomaalida oo halkaa qaar ku go’doomeen.

Hadalsame Media