”Weli waxba nama soo gaarsiin!” – Turkiga oo ka caraysan tillaabo cag-wareejin ah oo qaadeen Sweden & Finland

0

(Hadalsame) 28 Luulyo 2022Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa sheegay in Sweden aysan weli gacanta ku soo dhigin dadka ay Ankara ugu raad-joogto eedaymaha la xiriira argagixisannimada, inkastoo bishii hore ay heshiis kala saxiixdeen labada dal, taasoo qayb ka ah qorshaha Sweden ay ku doonayso inay kaga mid noqoto Gaashaanbuurta NATO.

Dalalka Sweden iyo Finland ayaa markii uu Ruushku duullaanka ku qaaday dalka Ukraine waxa ay dalbadeen in ay ku biiraan ururka NATO.

Yeelkeede, waxa ay iska caabin adag kala kulmeen Turkiga oo walaac ka muujiyey in labadan dal ay Turkiga ku soo rogeen cunaqabatayn dhinaca iibinta ah hubka ah, islamarkaana ay taageeraan kooxo uu Turkigu ku tilmaamay ururro argagixiso, sida Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK).

Si kastaba ha ahaatee, dabayaaqadii bishii Juun ee sanadkan 2022 ayay sadexda waddan kala saxiixeen heshiis wax ka qabanaya walaaca Turkiga.

Ankara ayaa rajaynaysa in Sweden ay kusoo wareejiso 73 tuhmane halka Finland ay ku soo wareejin lahayd tobanaan kale, balse weli dhankaa uma dhaqaaqin labada dal, sida ay Ankara sheegtay.

Hadalsame Media