(Hadalsame) 28 Luulyo 2022 – Dowladda Maraykanka ayaa hakisey dadaalkii ay ku dooneysey in ay meesha uga saarto qalabka iyo kaabayaasha isgaarsiineed ee Huawei oo ay FBI-du ku andacooneyso in ay basaasi kareen oo ay khalkhal galiyeen isgaarsiinta saldhigyada Ciidamada Maraykanka oo ay ku jiraan kuwa gantaalaha Nukliyeerka, sida ay sheegayso CNN.
Xilli lagu jirey olole ballaaran oo ka dhan ah tignoolajiyada Shiinaha ayuu maamulkii Trump, iyo Koongaraysku waxa ay ansixiyeen $ 1.9 bilyan oo maalgelin ah sanadka 2019-kii si meesha looga saaro qalabka isgaarsiineed ee Huawei iyo ZTE ee yaalla gudaha Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, Guddiga Isgaarsiinta Federaalka (FCC) ayaa u sheegay sharci-dejiyayaasha usbuucii hore in fujinta shabakadaha iyo qalabkan Shiinaha ee Maraykanka yaalla ay ku kici doonto inta u dhaxaysa $4.7 iyo $4.98 bilyan oo Doollar, taasoo keentay in inta badan agabka Huawei uu sidiisii u rakiban yahay weli, sida ay faafisay CNN.
Yeelkeede, tignoolajiyaddan Shiinaha ayaa laga yaabaa inay khatar amni oo ba’an gelinayso Maraykanka, sida ay sheegtay Reuters.
Guddoomiyaha Guddiga Isgaarsiinta Federaalka ee FCC, Brendan Carr, ayaa u sheegay warbaahinta in daaraha taleefoonnada gacanta ee ku hareeraysan Saldhigga Ciidanka Cirka ee Montana ee Malmstrom – oo gacanta ku haya dhowr goobood oo ay gantaalo u yaallaan Maraykanka – ay adeegsadeen tignoolajiyada Huawei, si la mid ah laba goobood oo kale oo ku kala yaalla gobollada Nebraska iyo Wyoming.
FBI-da ayaa aaminsan in qalabkan Huawei uu awood u lahaa inuu ururiyo oo uu carqaladeeyo ama tashwiish geliyo isgaarsiinta Pentagon-ka, sida ay ilo-wareedyo qarsoodi ihi u sheegeen hilinka CNN.
Taliska Istaraatiijiga ah ee Maraykanka, oo ah taliska u xilsaaran Difaaca Nukliyeerka Maraykanka iyo xoogagga weerarrada caalamiga ah, ayaa laga yaabaa in isgaarsiintooda la tashwiishay, sida ay ilo-wareedyo kale ku dareen.
Hadalsame Media