North Korea oo soo dirtay hanjabaad nukliyeer & dal ay sida gaarka ah ugu dhaaratay (Imisa madax ayay haystaan?)

0

(Pyongyang) 28 Luulyo 2022 – Hogaamiyaha DPRK ee Kim Jong-Un ayaa maanta ku dhawaaqay in “hubka nukliyeerka” ee Pyongyang uu “si buuxda diyaar ugu yahay” inuu ka jawaabo halisaha hor yaalla. Hanjabaadaha noocan oo kale ihi wax cusub kama aha dhanka Kim, laakiin waxay markan timid kddib markii uu madaafiic iyo gantaalo tijaabiyey.

Khudbad uu ku maamuusay sanadguuradii 69-aad ee ka soo wareegtey xabbad joojintii dagaalka Kuuriya, Kim wuxuu ku eedeeyey South Korea inay ”cayrsanayso siyaasad is miidaamin ah” oo ay kaga hor imanayso Woqooyiga Kuuriya si ay ugu dhowaato “Imbaraaliistaha Maraykanka”, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Kuuriya.

“Ciidamadeenna hubaysani waxay hadda si buuxda ugu diyaar garoobeen inay la qabsadaan nooc kasta oo qalalaase ah, oo hubkeenna nukliyeerku sidoo kale waa diyaar howlgal kasta.” ayuu yiri Kim.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa sidoo kale ku eedeeyey Washington iyo Seoul inay  qorsheynayaan in gantaalaha nukliyeerka lasoo dhigo South Korea.

Yeelkeede, nn kasta oo uu Madaxwaynaha South Korea Yon SIK-TOL uu sheegay in uu sanadkii hore inuu arrintaa waydiisan doono Maraykanka, misna Maamulka Biden ayaa meesha ka saaray fikirkaasi, ugu yaraan ilaa haatan.

Kuuriyada Woqooyi waxaa lagu qiyaasaa inay haysato inta u dhaxaysa 40 ilaa 50 madxaha ‘nukliyeerka ah’, iyadoo awoodda soo saarista lix ilaa toddobo kale sanad walba, sida uu sheegay Ururka Xakamaynta Hubku.

Maraykanka ayaa si rasmi ah hubka nukliyeerka uga qaaday Kuuriyada Koonfureed 1991-kii.

Hadalsame Media