Nabad Sugidda NISA oo qaadday tillaabo ka farxinaysa howlwadeennada & ciidanka hay’adda + Jaantuska

0

(Hadalsame) 28 Luulyo 2022 – Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad oo la sheegay inuu kor u qaaday mushaarka saraakiisha, Ciidamada iyo Shaqaalaha Hey’adda.

Sida lagu faafiyey warbaahinta DF, Agaasinka NISA ayaa kor u qaaday dhammaan mushaaraadka ay qaataan Saraakiisha, Ciidamada iyo howlwadeennada kale ee ka tirsan Hay’adda.

Agaasime Mahad oo goobjoog u ahaa duruufaha hareeyey Saraakiisha iyo Ciidamada NISA ayaa go’aansaday inuu kordhiyo xuquuqda si sare loogu qaado dareenka qeybaha ka hoos shaqeeya Hay’adda, iyadoo taasi looga gol leeyahay in si hufan loo guto waajibaadka shaqo.

Markii ugu horreeysey ayaa mushaarka saraakiisha iyo ciidanka Hay’adda NISA waxay la mid noqdeen mushaaraadka ciidamada kale ee Qaranka, halka markii hore ay ka hooseeyeen.

Hadaba eeg isbadallada lagu sameeyey mushaaraadka saraakiisha ciidamada iyo shaqaalaha Hay’adda NISA:

1 – G/le Markii hore waxa uu Mushaar u qaadan jiray 400$,halka hada laga dhigay 500$.

2 – Jaamici waxa uu qaadan jiray 300$, halka hada looga dhigay 350$.

3 – Qofka wata Shahaado Dugsi sare markiisii hore waxa uu qaadan jiray mushaar dhan 200$, hadana waxaa looga dhigay 300$.

4 – Mudane ama shaqaalaha caadiga ah ee aan shahadada heysan waxa uu qaadan jiray 150$, waxaana iminka looga dhigay 200$.

5 – Askariga dablaha waxa uu mushaar ahaan markii hore loo siin jiray 150$, balse hada waxaa looga dhigay 200$.

Sidoo kale Taliyaha Hey’adda NISA Mahad Salaad ayaa go’aamiyay in askarta iyo saraakiisha hey’adda ee geeriyooda ay qoysaskooda xuquuq ka heli doonaan dowladda, halka markii hore aysan laheyn wax xuquuq ah.

Mushaar kordhinta ciidanka, saraakiisha iyo howlawadeennada hay’adda ayaa ka danbeeyay kadib markii dib u eegis lagu sameeyay shaqsiyaad badan oo hey’adda aanan u shaqayn oo dhaqaale badan qaadan jiray iyo kuwa kale oo qaadan jiray xuquuq ka badan inta ay xaqa u leeyihiin.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa la magacaabay 26-kii Maajo 2022.

Hadalsame Media