(Hadalsame) 28 Luulyo 2022 – Baaritaan hordhac ah oo lagu sameeyey diyaaradii Jubba Airways ee 18-kii bishan Luulyo ku dhacday Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu ogaadey in aan weli la helin Sanduuqii Xog-duubista Duulimaadka ee ama Sanduuqa Madow (FDR).
Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Laanta Baarista Shilalka Diyaaradaha, “ilaa iyo hadda, sanduuqaasi lagama helin.” FDR waxa uu diiwaan geliyaa macluumaadka muhiimka ah ee baarayaasha duullimaadka wixii dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyey kahor shilka.
Warbixinta ayaa lagu soo gabagabeeyey in shilkan uu ka dhashay markii duuliyihii diyaaraddu uu xakamayn kari waayey diyaaradda dabayl darteed, sidii markii hore la filayey.
Ilo wareedyo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sheegay in la soo gaba gabeeyey baaritaanka shilkan, balse sanduuqa la’aantii baaristu wax micne ah samayn mayso.
Kaamil Cabdicasiis Olol oo ah Injineer Dayactirka Diyaaradaha ayaa sheegay in uu aad ula yaabay markii uu ogaaday in baaritaankii la soo gaba gabeeyey iyadoo aan la helin Sanduuqa FDR.
Hadalsame Media