4 arrimood oo ka khaldan hadalkii Cagjar sheegay & hal arrin oo ay tahay ku baraarugaan Soomaali Galbeed & NFD

0

(Hadalsame) 28 Luulyo 2022 – Kelmadda waxaan gudaha Somalia ka samaynaynaa Buffer Zone ama haddii si kale loo yiraahdo degaanno ka tirsan Somalia balse ay ka taliso Itoobiya, waa hadal aan laga fiirsan oo kasoo yeerey Mustafe Cagjar oo ay dad badani u xil hayeen.

Haddaba, aannu qodobayno sababta ay dad badani u liqi la’yihiin kelmaddaasi oo leh saamayn ka qoto dheer ujeedka la sheegayo.

1 – Cagjar wuxuu madax ka yahay maamul haatan hoos taga DF Itoobiya oo uu calankooda sito, sidaa darteed, marka nidaamka caalamiga ah la eego xaqba isagu uma laha inuu galo gudaha Somalia ama uu ka hadlo arrimaha gudaha Somalia.

2 – Ciidanka uu sheegayo inay gudaha Somalia gelayaan haddii ay yihiin kuwa Liyu Police iyaduna waa khalad, waayo waa ciidamo maxalli ah oo aysan ahayn inay dhaafaan Gobolka Soomaalida, haddii uu ula jeedo kuwa Federaalka Itoobiya hoos tagana waa khalad kasii wayn oo shaqadiisaba maaha.

3 – Aan ka dhigno inuu Liyu Police ula jeedo waxa Buffer Zone-ka samaynaya, markaa Liyu Police ma waxay ka xoog badan yihiin kuwa Federaalka Itoobiya oo tan iyo 1995-kii ka galaa baxayey gudaha Somalia oo wejiyo badan kusoo gelayeen? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waa inay xooggaa iskaga xoreeyaan Itoobiya lafteeda, amaba ugu yaraan ay ku difaacaaan Soomaalida dhibaatada kala kulmaysa Oromada, Cafarta iyo waayadii hore Tigreega.

Marka qura ee ay Somalia aqbali karto in Liyu Police gudaha usoo gasho waa marka ay yihiin ciidanka ummad Soomaaliyeed oo madax bannaan.

4 – Marka laga soo tago in Liyu Police aysan ahayn ciidan lagu yaqaanno ilaalinta xeerarka caalamiga ah marka la eego tacaddiyo ay horay ugu gaysteen Soomaalida labada dhinac ka deggan xadka haatan jira, waloow uu dhaqankoodu woxoogaa hagaagey tan iyo imaanshihii Cagjar, misna Liyu Police waxay hoos tagaan Gobolka Soomaalida oo isna haatan ah hay’ad federaal (federal institution) hoos taga Itoobiya.

Sidaa darteed, ma aha in Soomaali Galbeed iyo Soomaalida deggan Somalia-da xorta ihiba ay iibsadaan aragtida sibiqda la isku gelinayo ee ah ”maxaa ka micne ah waa wiilal Soomaaliyeede”, waayo ciidankani kuma shaqeeyaan ra’yi Soomaaliyeede waxay amar ka qaataan Addis Ababa oo iyaduna eegaysa danaheeda gaarka ah. Taasi waxay hadhow keeni kartaa in dhulka buffer-ka laga dhigayo hadhoow muran la geliyo, waana wax horay dunida uga dhacay.

Iskusoo wada duuboo, Soomaaligii aan isagu heli karin inuu madax bannaani ku noolaado waa inuusan gumaysi usoo safrin midkii haysta wax yar oo xornimo beenaad ah, sidoo kale, Soomaalida haatan ku hoos jira Kenya iyo Itoobiya waa inay la yimaadaan garasho iyo wacyi ay ku fahmi karaan in Somalia oo xor ihi ay iyaga faa’iido mooyee aysan marna khasaare u lahayn, taa cagsigeeduna uu keenayo uun iyaga oo uu gumaysigu ku jibbaarmo Soomaalidii kalena ay la gumowdo.

Weliba Mustafe Cagjar tiro ka dhowr jeer ayaan ka dhegeystey isagoo sheegaya hadallo muujinaya inuu arrimahaa ku baraarugsan yahay oo uu faham fiican ka haysto, balse shalay mar qura ayuu wareegey 180 digrii, balse wuu isa sixi kataa weli.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media