Itoobiya oo ku dhaqaaqday arrin Somalia uga muhiimsan ka hadlidda biyaha Niilka ee Masar u qulqula + Sawirro

0

(Hadalsame) 27 Luulyo 2022 – Saldhigga Tamarta ee Biyo-xireenka Genale Dawa III, sidoo kalena loo yaqaan GD-3, waa xarun korontada laga dhaliyo biyaha Webiga Ganaale Doria ee Itoobiya, waxaana hirgeliyey Shiinaha.

Dhismaha biyo-xireenkani waxa uu bilaabmay bishii Maarso 2011-kii, wuxuuna rasmiyan u howlgalay Febraayo 2020-kii, intii uu joogey nidaamkii Farmaajo.

Yeelkeede, Farmaajo walaa madaxdii kasii horreeysey midkoodna Itoobiya kalama hadlin arrintan oo Webiga Somalia ugu wayn ee Jubba ka dhigtay sidii dur dur mar mar uun biyo keena, halka Shabeelle uu kaba sii daran yahay.

Ganaale oo biyo-xireenkan la saaray ayaa ka mid ah 3 webi oo inta isku biira marka ay xad-beenaadka Somalia-Itoobiya marayaan kaddib isku noqda hal webi oo u qulqula dhanka Somalia, kaasoo ah Jubba.

Nasiib xumo, madaxda Somalia marka qura ee ay biyaha Itoobiya ka bilowda ka hadlaan waa marka ay Masar doonayso inay Somalia ku mashquuliso Itoobiya sidii ka muuqatey hadalkii uu Siisii ka sheegay shirka jaraa’id ee MW Somalia oo isagoo taagan lagu kaarta baxay, waloow ay madaxtooyadu markii dambe inkirtay.

Hadalsame Media