Fannaan dal Muslim ah oo dad bandhiggiisa kasoo qaybgelayey ku amray inay dhar cad cad soo wada xirtaan (Kaddib maxaa dhacay?!)

0

(Hadalsame) 27 Luulyo 2022 – Fannaanka Cumar Di’aab ee reer Masar ayaa bandhig xafladeed uu qabsaday wuxuu shardi ka dhigay qof walba oo ka soo qeyb galaya inuu soo xidho dhar cadcad.

Qofkii aan dhar cad cad soo gashanna looma ogalaan doono inuu gudaha u galo meesha bandhiggu ka socdo.

Taageerayaasha fannaanka oo kummanaan qof ahaa ayaa xafladda soo buux dhaafiyey iyagoo dhammaantood ku lebbisan yihiin dhar cad-cad. Qof ka soo horjeestayna ma jirin.

Ma jirin qof dhahay xorriyadeena ayuu ka soo horjeedaa, iyagoo faraxsan ayey xafladda ka soo qeyb galeen.

Dadka sidaas u maqlaaya warka fannaanka haddii la dhaho diintu waxay na fartay in gabdhuhu xijaabka qaataan, waxay bilaabayaan dood iyo diidmo, iyagoo leh diintu xorriyadeena ayey ka soo horjeedaa, waxaan jecel nahay ayaan xiraneynaa, ma ahan in dhar gaar ah nalagu qasbo.

Dhalinyarada hadda jira Adkaarta subixii akhrista laguma karo, balse hees cusub oo sharma boy hadday soo baxdo subax, duhur, galab iyo habbeen ayey ku celcelinayaan kamana daalayaan.

W; D: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media