(Hadalsame) 24 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron ayaa dhoolla caddeeyey markii uu maqlay Madaxwaynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas oo sheegaya magaca weriye Shireen Abu-Akleh oo ay khaarajiyeen Ciidamada Israel, taasoo muran ka dhalisay baraha bulshada, sida ay sheegtay Arabi21.com.
Horraantii todobaadkan, kaddib kulan ay Cabaas iyo Macron ku yeesheen magaalada Paris, ayay labaduba waxay wada qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadleen arrimo kala duwan.
Ha yeeshee, markii Cabbaas uu ka hadlayey arrinta saxafiyaddii Aljazeera ee Falastiin-Maraykanka ahayd ee Abu-Akleh, Macron iyo turjumaankiisa ayaa la arkayey labadooda oo wada dhoolla caddeeynaya.
Isticmaalayaasha baraha bulshada ayaa deeto soo dhigay muuqaalka muujinaya arrintan, iyagoo dhaleeceeyey Macron oo ay ku eedeeyeen inuu yahay munaafaq.
Iyadoo ay taasi jirto, Macron wuxuu wacay Cabbaas kaddib dilkii Abu-Akleh ee ay gaysteen ciidamada gumaysiga Israa’iil isagoo ku boorriyey Israa’iil inay si degdeg ah u dhamaystirto baaritaan lagu sameeyo dhacdadaasi.

Hadalsame Media