Turkiga & Sweden oo ay markale ka tafatay & Safaaradda Sweden ee Ankara oo loo yeeray

0

(Ankara) 24 Luulyo 2022 – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa Sabtidii u yeertay Sii-hayaha ku-meel-gaarka ah ee Safaaradda Sweden ee Ankara, si ay uga jawaabto “falcelin xooggan” oo ku saabsan wax ay Turkigu ku sheegeen ‘iideh argagixisada” loogu sameeyey magaalada Gothenburg.

Sida ka muuqata xogo laga helayo ilo diblomaasiyadeed, kaddib markii ay Turkigu ka warheleen isu soo baxay ay sameeyeen taageerayaasha ururrada argagixisada ah ee PKK/PYD/YPG oo ka dhacay magaalada Göteborg ee dalka Sweden 21-kii Luulyo ayaa waxaa haatan loo yeeray mas’uulka KMG ah ee Dowlada Sweden u jooga magaalada Ankara si uu u hor yimaado Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa ergayga u sheegtay in “Xaaladdan oo kale ay xumaynayso heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay dhowaan gaareen,” sida ay yiraahdeen ilo diblomaasiyadeed, iyagoo tixraacaya dooddii labadan dal iyo Finland dhex taalley.

Heshiiskan saddex geesoodka ah oo looga hadlay walaaca Turkiga ayaa lagu saxiixay Shir-madaxeedkii NATO ee ka dhacay magaalada Madrid ee dalka Spain kaasoo u dhaxeeyay Turkiga, Sweden iyo Finland, kuwaas oo codsaday inay xubin ka noqdaan NATO.

Hadalsame Media