Macallimiinta Dugsiyada Sare oo kashifay arrin ay kula kacday DF oo aysan dadwaynuhu ogayn

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2022 – ASC walaal waxaan ka mid ahay macalimiinta ka howl gala gobolka banaadir, waxan ku jiray macalimiintii ilaalinaysay imtixankii dowladda ee fasalka FORM 4, labadii sano ee u dambeysay, wasaaradda waxaan heshiis kula galnay marka imtixaanku dhammaado in ay na nasiin doonto lacag $100 ah.

Balse laba mar ayey wasaaraddu ballanta nooga baxday, sanadkii 2021 imtixaanka dugsiga sare ee FORM 4 macalimiintii ilaalinaysay wax lacag ah lama siin, sanadkan 2022 sidoo kale macalimintii ilaalineysay imtixaanka wax lacag ah lama siin.

Isbuuca imtixaanku uu socdo macalimiintu dhib badan ayey ka maraan howshaas, qaar ayaa safar u soo gala oo lacag badan oo baabuur raac ah uga baxdaa si ay u yimaadaan goobta imtixanka, haddana waxay ku dhibaatoodaan ilaalinta ardey kumanaan ah oo hal meel imtixaan ku gelaya iyadoo waqtiga imtixaanku marmarka qaar uu bilowdo 8:00 subaxbimo uuna dhammaado 2:00 duhurnimo. Intaasna uu macalinku taagan yahay oo ardey ilaalinayo.

Marka walaal waxaa tahay qofka keliya ee codkeena gaarsiin kara wasaradda waxbarashada, annagu wax kale kama rabno keliya xuquuqdeena aan u soo dhididnay aan ka helno. Si aad cabashadan u hubiso waxaad la xiriiri kartaa macalimiinta aad taqaano ee ka howlgala gobolka banaadir iyo nawaaxigiisa.

Waad mahadsan tahay walaal!

FG: Macalimiinta ilaalisa imtixaanka fasalka 8aad iyagu lacagahooda markuu imtixaanku dhammaadaba way qaataan, waxa cabashada qaba waa macalimiinta ilaaliineysay imtixaanka FORM 4.

W; D: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media