Kenya oo ku dhawaaqday goorta ay bilaabmayaan duullimaadyada Jaadka ee Somalia (Imisa qof ayaa shatiga qaadatay?)

0

(Nairobi) 24 Luulyo 2022 – War ay soo dhigtay barta tTwitter-ka, Hay’adda Beeraha iyo Cunnada Kenya (AFA) ayaa ku dhawaaqday in Wasiirka Wasaaradda Beeraha Peter Munya uu xaqiijiyaey in dhammaan nidaamyada dib u soo celinta dhoofinta Miroowgu ay dhammaystirmeen.

Tani ayaa uu sheegay in ay daba socoto hindisaha Dowladda Kenya iyo dadaalladii ay iska kaashadeen Maamulka, Ganacsatada Miroowga, Diyaaradaha iyo Dowladda Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu xaqiijiyey in 22 ganacsato ah oo ay ogolaatay Wakaaladda AFA ay heli doonaan shatiga dhoofinta Jaadka, beeralaydana looga baahan yahay inay dhoofiyaan dalaggoodii ugu horreeyey kahor todobaad-dhamaadka oo dabcan maanta oo Axad ihi ugu dambayso.

Beeralayda Miroowga maxalliga ah ayaa ka xirnaa suuqa Soomaaliya tan iyo bishii Maarso 2020-kii sababo la xiriira cudurka faafa ee COVID-19.

Xaaladdaas ayaa se isbedeshay kaddib wadahadallo laba geesood ah oo dhexmaray Madaxwayne Uhuru Kenyatta iyo Madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalsame Media