(Hadalsame) 24 Luulyo 2022 – Raiisal Wasaaraha UK ee xilka ka sii degaya Boris Johnson ayaa shaaca ka qaaday inuu horraantii todobaadkan ku biiray tababar loo samaynayey Ciidamada Ukraine, kaasoo ah layligii labaad ee ciidan ee uu sameeyo muddo labo todobaad gudahood ah.
Sabtidii, Johnson waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay muuqaal muujinaya isaga oo si buuxda u xiran dharka ciidanka islamarkaana tijaabinaya hub kala duwan, oo ay ku jiraan gantaalaha lidka taangiyada iyo qori darandoorri u dhaca garnaylladana tuura. Sidoo kale waxaa la arkayaa isaga oo tuuraya bam gacmeed.
“Toddobaadkan waxaan booqday Ciidamada Ukraine oo ay tababarayaan ciidamada Xoogga Britain ee ku sugan Woqooyiga Yorkshire,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu, isagoo ku daray inuu la kulmay “qaar ka mid ah 400 oo askari oo Ukrainian ah” oo ay tababarayaan ciidamada UK oo qayb ka ah hindise “ballaaran”.
Barnaamijkan, oo lagu dhawaaqay intii lagu jirey booqashadii Johnson ee Kiev bishii hore, ayaa bixinaya tababarka ilaa 10,000 oo askari bilaha yar ee soo socda.
Taageerada millateri ee UK ay siinayso Ukraine ayaa horraanba gaartey £2.3 bilyan ($2.8 bilyan) waxaana ku jira, sida uu yiri Johnson, 6,900 oo hubka lidka taangiyada ah iyo 120 baabuurta gaashaaman ah.
This week I visited Ukrainian troops being trained by British Armed Forces in North Yorkshire.
The UK is committed to doing all we can to help Ukraine continue to repel Russian aggression. pic.twitter.com/HMTClRFST5
— Boris Johnson (@BorisJohnson) July 23, 2022
Hadalsame Media