“Waxaan saaran nahay gaari taayarradu ka banjareen!” – Dal NATO ah oo reer Galbeedka u sheegay inay la heshiiyaan Ruushka

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2022Xiisadda Ruushka iyo Ukraine ayaa soo afjari karta awoodda reer Galbeedka, islamarkaana waxay beddeli kartaa miisaanka awoodeed ee adduunka, sida uu qabo Ra’iisul Wasaaraha Hungary ee Viktor Orban.

Orban waxa uu ku doodayaa in go’aanka cunaqabataynta lagula soo rogey Moscow iyo in Kiev la siiyo hub culus ay Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah NATO ka dhigtay inay ka qaybqaadanayaan iskahorimaadka, laakiin ugu dambayntii wax natiijo ah taasi ma keenin.

“Taas bedelkeeda, maanta waxaan dhex fadhinnaa baabuur ay afarta taayarba ka banjarsan yihiin,” ayuu yiri Orban oo khudbad ka jeedinayey magaalada Baile Tusnad ee Romania Sabtidan.

“Dunidu nagama soo horjeeddo oo keliya, laakiin waxay si cad u muujisay inay naga soo horjeeddo,” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku daray, isagoo ku dooday in, halkii laga fikiri lahaa in ay Galbeedku gacanta sare yeeshaan dagaalka Ukraine, ay diiradda saaraan sidii nabad lagu gaari lahaa wadahadal.

Orban waxa kale oo uu ka digey in dagaalkani uu si fudud u soo afjari karo sarraynta reer Galbeedka oo uu “abuuri karo nidaam caalami ah oo wkala duan dhinacyo badanna leh.”

“Waa inaan isku daynaa inaan ku qancinno reer Galbeedka inay dejiyaan istiraatiijiyad cusub,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. Waxa uu intaa ku daray in khilaafku “uu dhammaan doono marka Maraykanka iyo Ruushku ay heshiis gaaraan.”

Hungry oo la sheegay inay Ruushka isku fiican yihiin ayaa horay u diiddey inay hub siiyaan dalka Ukriane.

Hadalsame Media