Waxaa jirta sabab ay Somalia hadda rajo uga leedahay ururka EAC (Waa imisa GDP-ga Somalia?)

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2022 – Somalia ayaa markale si rasmi ah u codsatay in ay xubin ka noqoto baloogga EAC oo ku fadhiya 30 tarilyan oo Doollar, iyadoo Somalia oo lagu qiyaaso 16 milyan oo qofi ay leedahay GDP dhan $490 bilyan oo Doollar.

MW Somalia ee Xasan Sheekh ayaa hindisahan bilaabay intii u dhaxaysay 2012 iyo 2017 isaga iyo DRC balse xubnuhu waxay Somalia u diideen inay ku jirto dagaal iyo khalkhal bulsho, balse taasoo jirta misna waxaa la aqbalay DRC & South Sudan.

Waxaa ka mid ah shuruudaha ixtiraamka mabaadi’da caalamiga ah ee dowlad wanaagga, dimoqraadiyadda, ku dhaqanka sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha kale ee madaniga ah.

Haddaba, Somalia oo aragta in la aqbalay DRC & South Sudan oo ah dalal aan khalkhalka ammaan iyo nidaam xumada aan uga roonayn waxay taasi keentay inay ku dooddo in iyadana la aqbalo.

Qoraal kasoo baxay Shir-madaxeedka 17-aad ee caadiga ah ee Caruusha ayaa lagu xusay in arjiga Somalia ay xubinnimada ku doonayso aan iminka la qaadin, balse la marsiinayo hab-raaca EAC oo warbixin u diri doona kalfadhiga 23-aad ee ururka.

Dalalka Kenya, Tanzania, iyo Uganda ayaa la sheegayaa inay wax la wadaan Somalia sida uu sheegay Rashiid Cabdi oo ah khabiir ku xeel dheer siyaasad-dhuleedka, iyadoo haddii ay taasi run tahay ay Somalia u noqonayso bilow wanaagsan si ay u gasho suuqan oo 100m oo qof kor u dhaafaya haddii Somalia lagu daro.

Xubnaha haatan waa Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan iyo DR Congo.

Hadalsame Media