Sirdoonka Ukraine oo sheegay in qofkii booqday dalka Iran uusan ahayn MW Putin

0

(Kyiv) 23 Luulyo 2022 – Madaxwaynaha Ruushka ee Vladimir Putin ayaa laga yaabaa inuu qof u eg u adeegsadey safarkiisa Iran toddobaadkan, sida uu qabo Madaxa Sirdoonka Millateriga Ukraine (GUR).

Intii lagu guda jirey wareysi uu siiyey TV-ga Ukraine  ee TSN Jimcihii, Major General Kirill Budanov ayaa la waydiiyay inuu ka hadlo caafimaadka Putin gaar ahaan safarkii ugu dambeeyey ee uu hogaamiyaha Ruushku ku tegey Iran.

“Kuma siin doono jawaab toos ah, laakiin waxaan ku siin doonaa tilmaan,” Budanov ayaa ku jawaabey. “Fiiri, fadlan, xilliga nin la moodayo Putin uu ka degayo diyaaradda. Ma yahay Putin gebi ahaanba?

Budanov ma uusan faah faahin arrintaasi, balse warbaahinta Ukraine ayaa sheegtay in uu ula jeedey wararka xanta ah ee sheegaya in Putin uu mararka qaar uu dad u eg u isticmaalo dhacdooyinka guud.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in Budanov uu ka hadlayey sheegashada ah in Putin uu dhutinayey xilligii uu ka soo baxayey diyaaradda Garoonka Tehran.

Isagoo ka hadlayey Moscow Arbacadii, Putin wuxuu sharraxay inuu qufacayey qaboojiyaha xooggan ee Tehran dartii, halkaas oo uu kulammo dhowr ah ku yeeshay maalintii hore.

Kremlin-ka ayaa markii dambe sheegay in caafimaadka Madaxwaynuhu uu aad u wanaagsan yahay.

Hadalsame Media