”Ma aha inaan la hayste u noqonno Ukraine” – Siyaasi Soomaali ah oo furka xooray

0

(Hadalsame) 23 Luulyo 2022 – Maxamed Cabdi Waare, MW hore ee Maamul-goboleedka Hirshabeelle, ayaa muujiyey sida uu uga xun yahay inay Somalia noqoto dal aan wax soo saar lahayn waloow ay leedahay suurtagalnimadii.

Siyaasigan ayaa tixraacayey heshiis uu Turkigu ka shaqeeyey oo dhexmaray dalalka Ruushka iyo Ukraine, si loo dhoofiyo qamadiga Ukraine ee ku xayirnaa dekedaha dalkaasi.

”Heshiiskii Ukraine iyo Ruushka ee dhoofinta qamadiga ee lagu saxiixay Istanbul ayaa hoos u dhigi doona qiimaha cuntada islamarkaana hagaajinaya sugnaanta cuntada adduunka oo ay ku jirto Soomaaliya,” ayuu ku bilaabay qoraalkiisa.

”Waxaanse leenahay Jowhar-Balcad, Jannaale-Qoryooley, Qansaxdheere-Ufurow, Saakow-Bu’aale iyo Jilib-Jamaame. Ma aha inaan lahayste u noqonno sarreenta Ukraine!” ayuu raaciyey.

Hadalsame Media