(Hadalsame) 21 Luulyo 2022 – Haddii Afhayeenka Aqalka Wakiillada Maraykanka ee Nancy Pelosi ay booqasho ku tagto Taiwan bisha Agoosto, Shiinuhu wuxuu u tixgelin doonaa “daandaansi heer istaraatiiji ah”, kaas oo xiriirka uu la leeyahay Maraykanka “qar ka tuuraya”, sida ay Global Times oo ay dowladdu leedahay ku tiri warbixin adag oo taxane ah toddobaadkan, iyagoo soo xiganaya khubaro iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Beijing.
Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa horay u sheegtay in booqashadani ay yeelan doonto “saamayn xun” oo ay jebin doonto heshiisyada hadda jira ee ay galeen Mareykanka.
Pelosi iyo Taipei midkoodna si rasmi ah uma uusan xaqiijin booqashadan, laakiin Financial Times ayaa werisey in 82-jirkan ah Afhayeenka Aqalka Wakiillada ee Koongaraysku ay Taiwan u socdaalayso bisha soo socota, isagoo tixraacaya “lix qof oo xaaladda xog ka haya.”
Booqashadeedii hore ee xanta ahayd, bishii Abriil, ma aysan dhicin – taas oo ay ugu wacan tahay Pelosi oo uu xilligaa haleelay caabuq-sidaha Covid-19.
Haddii ay hadda booqashada sii ambaqaaddo, khubarada Shiinuhu waxay u sheegeen The Global Times in booqashadu ay noqon doonto daandaansi keeni kara jawaab-celin millateri oo ka timaada Beijing, taasoo cawaaqib “adag” ku yeelanaysa dhaqaalaha Maraykanka ee horeyba u dhibaataysnaa.
“Shiinuhu wuxuu u baahan yahay inuu caddeeyo go’aankiisa oo uu muujiyo awoodiisa, oo uu dhinaca Maraykanka u daayo inay go’aansadaan inay ka fogaadaan [xaalad] xasarad hor leh ku kordhisa duni awalba qalalaase iyo fowdo badan,” ayaa lagu xusay warbixinta.
Hadalsame Media