Turkiga oo sheegay inuu maraakiib dagaal oo berri biyood ah u dhisayo dal Afrikaan ah (Somalia ma noqon karaa?)

0

(Ankara) 21 Luulyo 2022 – Shirkadda Anadolu Shipyard ee dalka Turkiga ayaa heshiis la gashay dal Afrikaan ah oo aan weli la shaacin, heshiiskaas oo ku saabsan in dalkaa loo dhiso laba markab oo ah kuwa berri biyoodka ah, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay shirkaddu.

Shirkadda oo warkan ku faafisay degelladeeda rasmiga ah ee warbaahinta bulshada ayaa sheegtay in maraakiibta ay samaysay islamarkaana ay naqshadaysay Anadolu Shipyard ay baahi u qabaan dalal badani oo uu dalabkoodu xoogaysanayo.

“Markan shirkaddu waxay laba qandaraas kale oo laba markab oo berri biyood ah loogu dhisayo ay la saxeexatay waddan Afrikaan ah. Waxaana maraakiibta loogu keeni doonaa 2 sano gudahood,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhowaan ayay ahayd markii xaflad la qabtay horraantii bishan Luulyo, shirkadda Anadolu Shipyard ay soo gaarsiisey Ciidamada Badda Qadar maraakiibtan berri biyoodka ah oo ah nooca ciidamada, gaadiidka iyo saadka ka dejiya xeebaha xilliyada dagaalka.

Si kastaba, lama yaqaan dalka maraakiibtan loo dhisayo maadaama ay sir qaran tahay arrintani, uma se badna inuu Somalia yahay dalkaasi, maadaama ay cunaqabatayni saaran tahay, sidoo kalena aysanba Somalia lahayn kaabayaasha ciidamada badda ee ka horreeya maraakiibta berri biyoodka ah.

Hadalsame Media