(Moscow) 21 Luulyo 2022 – Isticmaalka hubka culus ee ay reer Galbeedku siiyeen Kiev waxa ay khasbi doontaa oo kaliya in Ruushku uu si qoto dheer gudaha ugu galo Ukraine, sida uu ku gooddiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov oo la hadlay RT iyo Sputnik.
Lavrov ayaa u sheegay tifaftiraha guud ee RT, Margarita Simonyan in markii wada-xaajoodayaashu ku kulmeen Istanbul, Turkey Maarso 29-30, ay ka wadahadleen “hal juqraafi,” isaga oo tixraacaya meelaha ay maamulaan Ruushka iyo ciidamada uu taageero ee jooga Donetsk iyo Dadka Lugansk. (DPR iyo LPR).
“Rabitaankeena ah in aan aqbalno soo jeedinta Ukraine waxa uu ku salaysnaa juqraafiga ilaa dhammaadkii Maarso, 2022,” ayuu yiri Wasiirku.
“Hadda Juquraafigu waa ka duwan yahay kii hore. Kama hadlayno DPR, LPR. Waxaan ka hadlaynaa Gobolka Kherson, Gobolka Zaporozhye iyo tiro dhulal kale ah, hawshanina way socotaa. ”
Lavrov wuxuu ku eedeeyey Galbeedka inay sii xumaynayaan colaadda iyagoo Ukraine “ku hafinaya” hub culus, oo ay ku jiraan M142 HIMARS oo gantaalo badan tuuri kara iyo hubka riddada dheer.
“Waxay la micne tahay in aan xarriiqda sii jiidno,” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in Moscow aysan ogolaan doonin in Ciidamada Ukraine ay halis geliyaan Ruushka, ama “jamhuuriyada” Donbass midkoodna, sida uu yiri.
Hadalsame Media