(Tehraan) 21 Luulyo 2022 – Millateriga Iran ayaa uga digey Maraykanka iyo Israa’iil hanjabaadda dalkooda kaddib markii uu Madaxwayne Joe Biden uu sheegay in Washington ay “isticmaali doonto dhammaan awooddeeda qaran” si ay uga hortagto in Tehran ay hesho hubka nukliyeerka.
“Maraykanka iyo Sahyuuniyaddu waxay si fiican u yaqaanaan qiimaha isticmaalka erayga ‘xoog’ ee ka dhanka ah Iran,” ayuu yiri Abolfazl Shekarchi, oo ah Afhayeenka Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, sida laga soo xigtey warbaahinta maxalliga ah.
Sarkaalkan ayay sidoo kale weerar shakhsi ah ku qaaday MW Biden, isaga oo su’aal ka keenay awooddiisa garasho isagoo guud ahaanna ku jeesjeesaya millateriga Maraykanka, iyada oo ay muuqato inuu samaynayo tixraacyo cad oo hore oo dhexmaray ciidamada Iran iyo kuwa Maraykanka dhanka Gacanka Faaris.
“Biden waa uu lulmoonayey markii uu u hanjabayey Iran,” ayuu yiri Shekarchi. “Fiiri matantayaasha askartaada – waxaa laga yaabaa inay ku qooyeen Gacanka Beershiya!”
Hadalkan adag ayaa ka jawaabaya hanjabaado kasoo yeeray Biden intii uu ku guda jirey booqashadiisa Israa’iil horraantii todobaadkan. Khamiistii, Madaxwaynaha Maraykanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Yair Lapid ayaa saxiixay bayaan wadajir ah oo ku saabsan sii wadida iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal.
Hadalsame Media