(Hadalsame) 21 Luulyo 2022 – Ururka ganacsiga ee Koonfurta Ameerika ee Mercosur ayaa diidey codsi uga yimid Madaxwaynaha Ukraine ee Vladimir Zelensky si uu uga hadlo shir madaxeedkooda, sida uu sheega dalka martida loo yahay ee Paraguay Arbacadii, iyadoo ay soo xiganayso Wakaaladda Wararka Faransiiska ee AFP.
Xubnaha Mercosur ee Argentina, Brazil, Uruguay iyo Paraguay ayaa ku guuldarraystay inay heshiis ka gaaraan in lagu casuumo hogaamiyaha Ukraine iyo in kale, Wasiir Xigeenka Arrimaha Dibedda Raul Cano ayaa yiri, inkastoo uu diidey inuu magacaabo dalalka kasoo horjeeda tillaabadan.
“Ma jirin wax la isku raacsan yahay oo arrintan oo kale ah, taasina waa sababta MW Ukraine mar horeba loogu wargeliyey in duruufaha hadda jira aysan abuuraynin wax shuruudo ah oo u oggolaanaya inay kula hadlaan Madaxwaynaha Ukraine gudaha Mercosur,” ayuu yiri wasiirku.
Horaantii bishaan, Julio Cesar Arriola, Wasiirka Arrimaha Dibedda Paraguay, ayaa sheegay in Zelensky uu teledoonka kula hadlay Mario Abdo Benitez, Madaxweynaha Qaranka, uuna weydiistey fursad uu kaga hadlo shirwaynaha Mercosur ee soo socda.
Sida laga soo xigtey Arriola, Benitez ayaa ballanqaaday inuu kala hadli doono arrinta saaxiibadiisa ku jira ururka Mercosur.
Mercosur waa urur dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo la aasaasay 1991-kii si loo abuuro suuq wadaag ah iyo dhiirigelinta horumarinta Koonfurta Ameerika.
Zelensky oo u muuqda nin dagaalka dalkiisa ka rifay ka door biday inuu isagu shakhsiyan isu iibiyo ayaa shirar badan oo caalami ah khadka la iska arko kala hadla, taasoo caado u ahayd tan iyo bilowgii dagaalka.
Hadalsame Media