(Hadalsame) 21 Luulyo 2022 – Italia iyo Somalia halka dabeecada ay iska simanyihiin ayaa ah in aysan qiimayn siyaasiga dalka wax u qaban kara ee kaliya siyaasiyiinta danta dalka ka hormariyaan danahooda gaarka.
Mario Draghi, Raisul Wasaarihii Talyaaniga ee saaka is casilay waxa uu ahaa nin dhaqaalo yahan ah oo ay ka heebeystaan Wadamada Midowga Yurub , Afaada Covid19 iyo Dagaalka Ukraine darteed Talyaaniga wey u baahnaayeen in uu sii Hogaamiyo si ay ugu soo kabtaan dhaqaalo burburkii ku dhacay.
kaliya Sanad iyo 5 bilood ayuu xilka haya isagoo aan wax mushaara dowladda qaadan ayuu u shaqeynayay.
Marka laga reebo Mucaaradka ka soo horjeeday Shaqada waxa uu ka wadi waayay kuwii shalay isaga soo dhistay ee 5 Starka ugu horeeyaan.
Dhibaatada waxaa qayb ka ah in sidoo kale aan la dooran masraxyada siyaasaddana aan laga jeclayn aqoonyahanka iyo dadka qiyamka leh, islamarkaana iyo axsaabta iyo siyaasadda hor kacaan dad aan xitaa dugsi sare dhamayn inta badan.
Talyaaniga ayaa aadi doono doorasho baarlamaan oo wakhtigeeda laga soo hormariyay.
FG: Ujeedku ma aha inaan eedda fashilka siyaasadda Soomaalida aan iska wada saarayno Talyaaniga, maadaama dhaqanka danaysiga siyaasiga iyo siyaasadda maangaabnimada ihi ay meelo badan oo aanu Talyaanigu tegin ka jirto.
Sidoo kale, waxaa jira dalal uu Talyaanigu gumaystey oo Soomaalida ka deggan, ka midaysan, kana wadanisan.
W; D: Cabdiqani C Dalmar & M. Xaaji
Hadalsame Media